Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda dambi baarista oo u yeertay guddoomiyihii hore ee Nairobi Mike Sonko

Waaxda dambi baarista oo u yeertay guddoomiyihii hore ee Nairobi Mike Sonko

Barasaabkii hore ee caasimadda dalka Mike Sonko ayaa looga yeeray xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Waxaa Sonko laga doonayaa inuu qoro farriin la xiriirta eedeyn uu dhawaan u jeediyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Karanja Kibicho oo uu ku sheegay in mas’uulkan uu qayb ka ahaa qorsho ay sanadkii 2017-kii dowladda dhexe rabshado ku abuurtay ka dib doorashadii guud ee lagu murmay.
Sonko ayaa la doonayaa inuu xarunta weyn ee DCI iska xaadiriyo maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe.
Agaasimaha DCI-da Mr. George Kinoti ayaa sheegay in saraakiisha waaxda gaarka ah ee qaabilsan falal dambiyeedyada ay su’aalo weydiin doonaan Mike Sonko si loo hubiyo eedeymaha uu u jeediyay Kibicho.
Tallaabada loogu yeeray guddoomiyihii xilka laga xayuubiyay ee Nairobi ayaa timid hal maalin un ka dib markii uu Karanja Kibicho oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha uu gudbiyay cabasho ka dhan ah Sonko isagoo sheegay in uu faafinaya dacaayad uu uga gol-leeyahay inuu sumcaddiisa ku dhaawaco.
Sidoo kale tallaabada ay qaadday waaxda DCI-da ayaa ku soo aadaysa iyadoo xisbiga ODM uu dalbaday in baaritaano xaqiiqo raadin ah lagu sameeyay eedeymaha dowladda dhexe kaga yimid Mike Sonko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments