Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Booliska Koonfur Galbeed oo sheegay inay hub iyo maxaabiis Shabaab ah ku...

DHAGEYSO:Booliska Koonfur Galbeed oo sheegay inay hub iyo maxaabiis Shabaab ah ku qabteen dagaal

Ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegeen inay Xubno Al-shabaab ah iyo hubkoodii ay ku qabteen Dagaal ka dhacay deegaanka Sheeydheelow ee gobolka Baay Halkaas oo ay shabaabku ka wadeen qorshe ay ku go’doomin lahaayeen Magaalada Baydhabo balse ay Ciidamdu ka hortageen.
Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Col. Cabdi Ibraahim Shaamow oo Cabdi dheere loo yaqaano ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay Talaadadii Howlgal ka Fuliyeen deegaanka Sheeydeelow ee gobolka Baay Xilli ay halkaas isku aruursanayeen dagaalameyaasha Al-shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo Maxaabiis shabaab ah Saraakiilna ay ku dileen Howlgalkaasi,wuxuuna dhallinayarda wali ka tirsan ururka AL-shabaab uu Taliyuhu ugu baaqay inay ka waantoobaan dagaalada loo adeegsanayo oo ay dadkooda dib ugu Soo laabtaan.

Guddoomiayaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa dhanka kale wuxuu Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Xoghayaha Wakiilka QM u qaabilsa arrimaha Soomaaliya ee dhanka Bin’aadanimada oo halkaas u tagay u kuurgaliyda xaaladaha binu aadanka ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed qaarkood.
Labadaan Mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha Nololeed oo ka jira deegaano badan oo koonfur Galbeed ka tirsan kuwaasoo shabaabku ay go’doomiyeen.
Magalooyinka Xudur,Waajid,Qansaxdheer iyo Diinsoor oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Bakool ayaa shabaab u go’doonsan wuxuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed sheegay inuu Wafdiga QM kala hadlay Xaaladaha dadkaasi ku sugan yihiin iyo sidii loo caawin lahaaa.

Deegaanada maamulka koonfur Galbeed waxay ka mid yihiin meelaha ay ku xooggan yihiin Al-shabaab waxaana jira degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Bakool oo muddo Sanado ay ay shababaku go’doomiyeen kuwaasoo Xaalad Binu aadamnimo ay ka taagan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments