Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya IEBC oo cambaareysay dilka sarkaal u qaabilsanaa Tiaty

IEBC oo cambaareysay dilka sarkaal u qaabilsanaa Tiaty

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa si kulul u cambaareeyay fal lagu dilay maamule ku xigeenkii guddiga ee deegaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo.
IEBC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markii ugu dambeysay ee Brian Silale la arkay isagoo nool ay ahayd xilli ay dad aan haybtoodu la garan ay kala baxeen xarunta dukaameysiga ee Chemolingot 19-kii bishan abaare 3-dii galabnimo.
Waxay wararku sheegayaan in Silale iyo shakhsiyaad kale la dilay iyadoo hal maalin ka dib meydadkooda la helay.
IEBC ayaa dhanka kale tacsi u dirtay qoyska uu baxay sarkaalkan waxayna dowladda ugu baaqday inay dardargeliso baaritaannada la xiriira dhacdadan si gacanta loogu soo dhigo ka dibna loo maxkamadeeyo cidii dilka gaysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments