Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha Venezuela oo rajo wanagsan ka muujiyay xirirka Mareykanka

Madaxweynaha Venezuela oo rajo wanagsan ka muujiyay xirirka Mareykanka

Madaxweynaha Venezuelan Nicolas Maduro ayaa sheegay inuu rajeeynaayo inuu xiriir wanagsan la yeesho xukuumada Biden kadib ku dhawaad laba sano oo xiriirka labadaasi dal uu xuma.
“waa muhiim inaan u sheegno Mareykanka: inaan dooneyno in xiriirka labada dal aan sii wanaajino si aan uga dhigno mid ixtiraam ku dhisan iyo sidoo kale xiriir sii socda ilaa mustaqbalka,” siddasi waxaa yiri madaxweyne Maduro.
waxaa uu ugu baaqay xildhibaanada taageersan dowladda iyo aqalka baarlamaanka inay taageeraan dadaalada ku wajahan bilawga cusub ee Washington.
kadib sanado uusan xiriirka labadaasi dal wanagsaneen ayay dowladda Mareykan si toos xirirka ugu jartay dowladda Venezuela’ bishii January 23-keedi 2019 kadib markii hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi Juan Guaido ay si rasmi ah ugu aqoonsatay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka .
ninka hadda Biden uu u magacaabay inuu noqdo Xoghaya arrimaha dibada Mareykanka Anthony Blinken, ayaa madaxweyne maduro ku sheegay nin kaligii talis ah islamarkaana taageeray go’aankii Trump uu xiriirka ugu jaray.
xukuumadii Trumpa ayaa cunaqabateen ku soo rogtay dowladda Venezuela iyadoo sidoo kalena diiday inay aqoonsato dib u soo doorashadii Mr Maduro ee doorashadii 2018-kii.
hoggaamiyaha Venezuela ayaa ugu baaqay xukuumada Mr Biden in xiriirka xumaaday ay u badasho dhinaca wanagsan.
madaxweynaha ay xukuumadii Trump u aqoonsatay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka wadankaasi ayaa sheegay isaga iyo taageerayaashiisuba ay sii wadi doonaan inay ka shaqeyaan xoriyada iyo doorasha cadaalad ah, isagoo sidoo kalena sheegay in safiirkiisa uu ka qeyb galay xafladii caleema saarka Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments