Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo howlgal ballaaran ka billaabi doonto waqooyiga dalka

Dowladda oo howlgal ballaaran ka billaabi doonto waqooyiga dalka

Waxaa la filayaa in dhawaan dowladda dhexe ay ismaamullada Wajeer, Garissa iyo Isiolo ka billowdo howlgal weyn oo dhanka amniga ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono hubka sharci darrada ah ee la adeegsado marka ay colaad timaado.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu jiro qorsho ballaaran oo la doonayo in xal waara loogu helo iskudhacyada soo noqnoqday ee saameeyay xuduudda Garissa iyo Isiolo.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ay kaalin ka qaataan kicinta dadweynaha isagoo ku booriyay inaysan sameyn wax Khalkhal gelin karo xasiloonida guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments