Howlwadeenada caafimaadka ee ismaamulka Embu ayaa dhigay dibaxbax ay ku dalbanayaan in dowladda ismaamulkaas ay dhaqangeliso qodobbo lagu heshiiyay.
Waxay sheegeen in 60 cisho oo ay u qabteen dowladda ismaamulkaas ay dhammaatay balse ilaa iyo hadda aan loo soo bandhigin faahfaahin rasmi ah.
Saraakiishan ayaa su’aal geliyay sababta aan loo xallin caqabadaha dhanka caafimaadka.
Waxay tusaale u soo qaateen qandaraaslayaasha oo ay sheegeen inaysan jirin tabashooyin ay qabaan.