Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ay AMISOM isaga baxeen

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ay AMISOM isaga baxeen

Wararka aan ka imaanaya deegaanka Mashallaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaay sheegayaan in aroornimadii hore ee saakay ay la wareegeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Ciidanka Midowga afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa horay ugu sugnaa deegaankaas oo ku yaalla inta u dhexeeysa Buulo-mareer iyo degmada Qoeyooley ee Shabeellaha Hoose, waxaana deegaanka uu ahaa mid Istiraatiiji ah.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in Ciidanka AMSIOM ay isaga baxeen deegaanka, kadibna ay la wareegeen Al-shabaab, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin, isla markaana weli ay ku sugan yihiin Shabaabka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka AMISOM Saldhig ay ku lahaayeen Mashallaay ay ka qaateen saanadii Milateri ee u taallay, iyagoona aaday dhinaca degmada Qoryooley ee Shabeellaha Hoose.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ay isaga baxaan Deegaanka Mashallaay ee gobolka shabeelada Hoose, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan la wareegida Al-shabaab ee deegaankaas.
Deegaanka ayaa la sheegay inay shabaabku Markii ay la wareegeen isugu yeereen dadka deegaan oo ay goob Fagaare ah kula hadleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments