Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo difaacay qorshaha BBI

Madaxweynaha dalka oo difaacay qorshaha BBI

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo maanta wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Inooro ayaa difaacay dhaqaalaha ay dowladda dhexe ku bixinayso qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa horay u sheegay in geeddisocodkan ay ku baxayso lacag dhan 14 bilyan.
Hasa ahaate madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ay Mr. Kenyatta ku midoobeen arrinkan ayaa sheegay in miisaaniyad ka badan 2 bilyan oo shilin aan lagu qarash gelin karin in wax looga beddelo qodobbada dastuurka dalka.
Hoggaamiyaha dalka oo maanta wax laga weydiiyay inay habboon tahay in dowladda ay dhaqaale badan ku bixiso sharci beddel ayaa ku jawaabay in qiimahan lacageed mid ka badan lagu musuqmaasuqa mashaariicda horumarineed.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale sheegay in BBI aynan diiradda saareyn danta siyaasi gaar ah balse uu doonayo oo keliya in lagu xoojiyo midnimada bulshada iyo xasiloonida dalka.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka ku celceliyay in shakhsiyaadka ka soo horjeeda arrimaha BBI ay ka dhigeen arrin ay isaga ku mucaaradayaan.
Heshiiskii 2018-kii dhexmaray isaga iyo Raila Odinga oo horseeday BBI ayuu xusay in wadanka ay dani ugu jirtay marka la eego xaaladdii siyaasadeed ee xilligaas jirtay.
Sidoo kale Mr. Kenyatta ayaa gaashaanka u daruuray siyaasadda la xiriirta qoysaskii wadanka soo hoggaamiyay iyo bulshooyinka kale isagoo xusay in tani ay tahay dood aan loo baahneyn oo kala qaybsanaan keeni karto.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale qiray inay jirto shaqo la’aan ay dhallinyarada wajahayaan isagoo siyaasiyiinta uga digay in da’yarta aynan u adeegsan rabshadaha.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay ku dadaalayso sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale sheegay in hadalkii uu jeediyay ee ahaa in la joogo xilligii qowmiyad kale ay wadanka hoggaamin lahayd si aan sax ahayn looga falceliyay .
Waxaa uu xusay inay jiraan shakhsiyaad fikirkaas uu si gaar ah u taabtay.
Madaxweynaha dalka oo la weydiiyay sababta uunan tallaabo uga qaadin siyaasiyiinta u muuqdo inay caqabad ku yihin qorshayaasha horumarineed ayaa sheegay inuu diiradda saaraya oo keliya fulinta waxyaabaha ay dani ugu jirto shacabka.
Sidoo kale waxaa uu caddeeyay inuu billaabay qorshihii xilka looga qaaday barasaabkii caasimadda dalka ee Nairobi Mike Sonko oo uu ku eedeyay inuu ku fashilmay u adeegidda dadweynaha Nairobi.
Waxaa uu dhanka kale ammaanay waxqabadka maamulka NMS ee uu hoggaamiyo Maxamad Badi.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulkan uu toddobaadyada soo socdo Nairobi ka furi doono 7 isbitaal oo ay shacabka ka helayaan adeegyada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments