Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxa fulinta barta Twitter-ka oo taageeray go’aanka Trump looga xayiray bartaasi

Madaxa fulinta barta Twitter-ka oo taageeray go’aanka Trump looga xayiray bartaasi

Madaxa fulinta ee barta Twitter-ka Jack Dorsey ayaa sheegay go’aankii madaxweynaha xilka laga qaaday ee Mareykanka cinwaankiisa lagu xayiray uu ahaa mid saxsan.
Bartan ayaa todobaadkii hore khatka ka saartay cinwaanka Trump oo ay ku xirnayeen ku dhawaad 88 miliyan oo qof.
Waxay ku edeyeen in Trump uu aaladan u adeegsan karo colaado kale hadii qoraaladiisa uu sii wato.
Taageerayaashiisa ayaa weerar ku qaaday xarunta aqalka Congrees-ka ee capitol ee caasimada Washington.
Siyaasiyiinta qaar ee ka tirsan xisbigiisa ayaa ka soo horjeestay go’aanka cinwaankiisa khatka looga saaray.
Waxay shegeen in talabadaasi ay tahay maid lagu hor istagaayo xoriyatu qowlka.
Sidoo kale hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa iayadana dhankeeda ka soo horjeesatay talaabada lagu xayiray barta Twitter-ka trump.
Twiter-ka ayaa waday dadaalo ay uga saareyso barteeda hadalado iyo qoraalada kicin karo dadweynaha ee ay madaxda qaar halkaasi soo dhigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments