Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo Gadoodsan oo Hakiyay isu socodka Magaalada Galinsoor ee Maamulka Galmudug

Ciidamo Gadoodsan oo Hakiyay isu socodka Magaalada Galinsoor ee Maamulka Galmudug

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in Maanta ay gadood sameeyeen Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulka Galmudug.
Ciidamadaan oo ku xaraysnaa Xerada dhanka-roone oo dhawaan tababar loogu soo xiray ayaa gadoodkooda waxaa la sheegay inuu salka ku hayo arrimo la xiriira mushaarka oo ay sheegeen inaysan qaadan muddo lix Bilood ah.
Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay baro ka sameysteen Magaalada gelinsoor, iyagoo Gaadiidka u diidaya inay halkaasi maraan.
Goobjoogayaal ku sugan Magalada Gelinsoor ayaa warbaahinta gudaha waxaay u sheegeen in Ciidamada iyo saraakiisha hoggamineysa ay sheegeen inaysan wadooyinka furi doonin ilaa laga siinayo mushaarka ay xaqa u leeyihiin, walow aysan weli ka hadlin Madaxda Maamulka Galmudug.
Magaalada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa si weyn looga dareemaya Gadoodka ay sameeyeen Ciidamada Daraawiishta Galmudug, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.
25-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Gadood sameeyeen Ciidamo ka tirsan Daraawiishta MaamulkaGalmudug, kuwaasoo ka cabanayay mushaar la’aan wallow markii dambe la xaliyay.
Dhanka kale Ciidamada ka kala tirsan qeybta 21aad iyo Guutada Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa Maanta gaaray degaanka Xersi lugeey oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo shalay Gelinkii dambe lagu dilay Shan qof oo shacab ah.
Taliyaha qeybta 21aad ee Ciidamada Xoogga dalka Korneyl Cali Dheere ayaa hoggaaminaya Ciidamada, waxaYna halkaas ka bilaabeen howlgallo lagu baadi-goobayo maleeshiyaadkii dadka ku laayay degaanka xersi lugeey.
Taliyaha qeybta 21aad ayaa sheegay in, iyagoo fulinaya Amarka Madaxda sare ee dowladda & Maamulka Galmudug ay Ku howlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga degaankii dadka lagu dilay si gacanta loogu dhigo dadkii ka dambeeyay falkaas.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in degmooyinka Balanballe iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud ay gaaraan wafdi heer wasiiro ah si ay uga qeyb qaataan in xiisad kale aysan ka dhalan dadka Shacabka ah ee halkaas lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments