Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya EACC oo lagu amray inay xirto akoonnada bangiyeed ee shirkado ay lacago...

EACC oo lagu amray inay xirto akoonnada bangiyeed ee shirkado ay lacago siisay dowladda ismaamulka Isiolo

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Meru ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ku amartay inuu xannibaad saaro akoonnada bangiyeed ee 5 shirkadood.
Lacagta la xannibay oo qiimo ahaan dhan 46 milyan oo shilin ayaa la sheegay in dowladda ismaamulka Isiolo ay si aan habbooneyn ugu wareejisay shirkadahan.
Sida ku cad barta rasmiga ee Twittarka guddiga EACC waxaa lacagtan la bixiyay 22-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore si cunnooyin kala duwan loogu soo iibiyo baabuurna loogu kireeyo xafiiska barasaabkii hore ee ismaamulkaas.
EACC ayaa sheegtay in lacagtan la bixiyay in kastoo aan la fulin qandaraasyadii loo qorsheeyay.
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in shirkadaha xayiraadda bangiyeed la saaraya ay kala yihiin Almasi’s Store Ltd, Rayan Provision Stores Ltd, Dabasiti Contractors and Suppliers Ltd, Noyasu Construction Company Ltd iyo Choke Construction Company Limited.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments