08.Aug.2012:- Waqtiga kama danbaysta ah ee ay soo gudbinayaan noomineeshinka xubnaha xisbiga ODM ee doonaya inay u tartamaan jagooyinka kala duwan ee doorashada soo socota ayaa maanta ku eg.
Xoghayaha golaha Qaran ee doorashada ee xisbiga ODM ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu kaga codsaday cid waliba oo doonaysa inay tikitka xisbiga ODM uga qayb gasho tartanka doorashada soo socota inay codsigooda ugu danbayn maanta soo gudbiyaan.
Xoghayaha golaha Qaran ee doorashada ee xisbiga ODM ayaa sheegay in geedi socodka noomineeshinka musharaxiinta xisbiga ODM ee u tartamaysa jagooyinka kala duwan ay mudo soo socotay isla markaasina haatan la soo afjarayo.
Masuulkani ayaa sidoo kale carabaabay in Noomineeshinka uu u dhici doono si xaq ah oo waafaqsan sharciga xisbiga ODM.
Musharaxiin badan oo ka tirsan xisbiga ODM ayaa horaan u shaaciyay inay u tartamayaan jagooyinka kala duwan ee doorashada soo socota.