13.Aug.2012;- Ciyaaryahanka Isbaanishka ah ee qadka dhexe uga ciyaara Kooxda Real Madrid Xabi Alonso ayaa u muuqda inuu qorshaynayo inuu soo afmeero mustaqbalkiisa garoonka Santiago Bernabeu Stadium.
Xabi Alonso ayaa haatan diiday in uu kordhiyo qandaraaska kooxda Real isagoo iyo wada xaajood mustaqbalkiisa ku saabsan oo uu kooxda kala hadlo.
Waxaa jira warbixino kasoo baxaya dalka Spain oo ku aadan Mustaqbalka xidigaan Jariidada The Sport ayaa maanta soo qortay in Xabi uu qorshaynayo in xili ciyaareedkaan uu ahaado kii ugu dambeeyay ee Real Madrid.
Warbixinada ayaa sheegaya in Real ay layaab ku noqotay diidamada Xabi ee wada xaajood dhanka Mustaqbalkiisa ah waxaana la rumaysanyahay in uu ku haminayo sidii uu uga hayaami lahaa garoonka Santiago Bernabeu Stadium.
Xabi Alonso oo horaan uga mid ahaa ciyaaryahanadii loogu jeclaa kooxda ka dhisan Cariga England ee Liverpool ayaa iminkana ka mid ah laacibiinta Real ugu cadcad.
Qandaraaska xidigaan ee Real ayaa dhacaya Sanadka 2014-ka,waxaana muuqanaysa in uusan ku faraxsanayn inuu kusii nagaado Garoonka Santiago Bernabeu oo uu ku jiro liiska ciyaaryahanada ugu horeeya dhanka safashada kulamada.
Xabi ayaa doonaya in uu soo afmeero waayihiisii Real waxaana doonaya kooxo dhawr ah kuwaasi oo ay ugu horeeya kooxaha ka dhisan dhanka Talyaaniga ee Juventus iyo Inter Milan.