09.Aug.2012:- Dacwadii lagu soo oogayay Wasiirka deegaanka Kenya oo la filayay in ay maxkamada ka bilaabato Maanta oo Khamiis ah ayaa dib loo dhigay.
Madaxa Maxkamada sare ee Magaalada Nairobi oo lagu waday inay ka furanto maxkamadaynta wasiirkaan ayaa sheegay in aan wali qaab dhamaystiran wasiirka loogu gudbin faylashiisa islamarkaana uusan helin warqada Yeeritaanka maxkamada.
Garsoore Lucy Nyambura ayaa amar ku bixisay in xildhibaanka Matuga loo gudbiyo warqada Yeeritaanka Maxkamada Waxa ayna sheegtay in dacwada wasiirka Deegaanka ee quseysa jeedinta Khudbad nacayb ku dhisan ay bilaabanayso maalinta Arbacada soo aadan.
Dhawaan ayuu Wasiirka deegaanka Chirau Ali Mwakwere ku guul daraystay isku day uu ku doonayay in uu si KMG ah ugu hor istaago in la xiro islamarkana maxkamad la soo taago isaga oo loo haysto jeedinta khudbad nacayb ku dhisan.
Garsooraha maxkamada sare Florence Muchemi ayaa ku gacan sayrtay in ay bixiso amar lagu hor istaagayo xiritaanka xildhibaanka Matuga.
Garsoore Florence ayaa sheegtay in codsiga Mwakwere uu ahaa mid dagdag ah islamarkana waxa ay amartay in kiiskani la dhagaysan doono Todobaadka soo socda.
Mr Mwakwere ayaa qarka u saaran in uu waayo jagadiisa wasiirka deegaanka ka dib markii maxkamada ay soo saartay amar uu ku hor tagayo maxakamada si dacwad loogu soo oogo .
Wasiirka deegaanka Chirau Ali Mwakwere ayaa maxkamada sare u gudbiyay codsi dagdag ah oo uu kaga hortagayay in ay xiraan booliiska lana soo taago maxkamada kiiskaasi oo iminka uu ku guul daraystay .