09.Aug.2012;- Tababaraha Kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa soo bandhigay sida uu uga walwalsanyahay in uu xagaagaan lumiyo weraryahankiisa Luis Suarez oo ay doonayso Kooxda Juventus.
Rodgers ayaa qiray in kali ah uu maanka ku hayay in Ciyaaryahan Suarez uu ka mid noqonayo liiska ciyaaryahanada uu ku duulaayo kolkii uu Liverpool macalinka ka noqonaya iminkana uu ka wlaacsanyahay mustaqbalka xidigaasi.
Macalin Rodgers ayaa sheegay in haatan uu mugdi sii galayo Mustaqbalka uu Suarez ku leeyahay kooxda Liverpool iyo garoonka Anfield .
“Hada waxba kama Ogin waxa dhici doona,maxaa yeelay wax badan kama aqaano dabciga iyo shaqsi ahaanta Suarez,”
“Waa in aan dadaalkayga oo idil isugu geeyaa sidii aan usii haysan lahaa Suarez,taasi ma awoodaa?haa.waxaana usoo bandhigayaa wadada hormarka kooxda,iyo qaabka ay uxiisa badantahay,iyo doorka uu ku leeyahay maankayga kooxda”
“ma ahaan kartid 100%mid kalsooni ku jirto,ilaa shaqsiga uu kuu saxiixo qandaraas cusub,marka waa taas walaacaygu,laakiin maankiisa kooxda ayuu la jiraa,ugu dmabeyna qaab sahlan ayuu noola sii joogayaa,maxaa yeelay kooxda ayuu jecelyahay”
Kooxda Juventus ayaa dhawaan qaab layaab leh Liverpool ugu soo bandhigtay damaceeda ku aadan suarez kaidb kolkii ay ka quusatay saxiixa Roben Van Persie.