15.Aug.2012:- Dowlada Kenya ayaa cabasho u gudbisay dowlada Koonfurta Sudan taasi oo ku saabsan dilka loo gaysto dadka Keenyaanka ah ee ku dhaqan Koonfurta Sudan.
Kenya ayaa sheegtay in ay siwayn uga cabanayso dhibaatooyinka ciidamada Amaanka Koofurta Sudan kula gacaan dadka kenyaanka ah taasina ay uga asdagoonayso.
Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya Prof Sam Ongeri ayaa u sheegay Baarlamaanka dalka Kenya inuu cabasho dhanka afka ah u gudbiyay wasiirka arimaha dibada ee dalka koonfurta Sudan isla markaasina uu u sheegay walaaca dadka Kenyaanka ah ee ay dilka u gaystaan askarta amaanka ee koonfurta Sudan.
Mr Ongeri ayaa intaasi ku daray inay ka wardhowrayaan waxay dowlada Koonfurta Suudan ka qabato dilalka ay askarta amaanka ee koonfurta Sudan u gaystaan dadka Kenyaanka ee ku nool koonfurta Sudan.
Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya Mr Ongeri ayaa hoosta ka xariiqay in dowlada koonfurta Suudaan ay dhibaato ka haysato sidii ay laamaheeda dhinaca amaanka u bari lahayd adeegyada loogu talo galay.
Dhowr ruux oo Kenyaan ah ayaa waxaa lagu dilay koonfurta Suudaan iyadoo ruuxii ugu danbeeyayna uu ahaa dhaqtar u dhashay Kenya kaasi oo askari ka tirsan ciidamada Policeka ee dalka Koonfurta Suudaan ku dilay halkaasi.
Kenyaan faro badan ayaa ku nool koonfurta Suudaan kuwaasi oo isugu jira ganacsato iyo xirfadlayaal kale.