16.Aug.2012:- Gudiga qoondaynta daqliga dalka ayaa soo bandhigay talooyin ku aadan qaabka 47-ka County ee Dalka loogu qaybinayo Khayraadka Dawlada Dhexe.
Countiga Nairobi ayaa helaya qeyb lixaad leh ,iyadoo gudiga ay soo jeediyeen in loo qoondeeyo 10.1 bilyan oo shilin,countiga Turkaana oo loo tixgiliyay in ay yihiin goobaha ugu sabooolsan ayaa soo gashay kaalinta labaad,waxaana loo qoondeeyay 8.1 bilyan oo shilin, halka countiga Mandera sida ku cad talooyinka gudiga qondaynta daqliga dalka ay helayso 6.9 bilyan oo shilin.
Gudiga qoondaynta daqliga ayaa dib u habeen ku sameeyay talooyin horay u soo jeediyeen oo ay wax badani ka badaleen.
Qiimayntaan ayay gudiga waxa ay ku qiimeeyeen dhanka baaxada dadka ku nool countiyada oo lagu qiimeeyay 45 % heerka saboolnimada oo horay ay u soo jeediyeen in lagu qiimeyo 12% ayaa waxaa ay gudiga hada soo jeediyeen in laga dhigo 20%.
Barlamaanka ayaa talooyinkan ka doodi doona si ay u ansixiyaan amaba ay u diinaan.