08.Aug.2012;- Laacibka kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa amaanay dalabka kooxdiisa ee ku aadan ciyaaryahanka Qadka dhexe ee Kooxda Arsenal Alex Song.
Andres Iniesta ayaa amaanay qaab ciyaareedka ciyaaryahan Alex Song waxa uuna ku tilmaamay inuu yahay xidig u qalma inuu kusoo biiro wiilasha kubada qurxoon ee Kooxda Barcelona.
waxa uuna intaasi raaciyay in Song uusii xoojin karo liiska awoodeed ee ciyaaryahanada kooxda Barca,
Warbixino maalmahaanba isi soo darayay ayaa sheegayay in 24-jirkaan dhanka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Aresenal una dhashay qaranka Cameroon ay lacago badan ku baadi goobayaan kooxda Barcelona.
Iniesta ayaa sheegay in uu siwayn ugu farxay kolkii uu maqlay Alex Song oo lala xiriirinaayo kooxdiisa Barca,waxa uuna ugu baaqay in uu kula soo biiro Barcelona.
Iniesta ayaa sheegay”waa xidig buuxa,ma aqaan meeqa sano ayuu ciyaarayay,laakiin maahan ciyaaryahan shalay soo baxay”
“Hwaa ciyaaryahan wanaagsan,waxaan u argaa in uu qaab wacan noola qabsan karo noogana dhex muuqan karo koox ahaan”
“ma aqaan in ay dhici karto imaanshiyahiisa Barcelona laakiin waxaan kula talinayaa inuu halkaan yimaad.”