04.July.2012;- Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka danbaysay weerardii mataanaha ahaa ee Axadii aanu soo dhaafnay lagu qaaday laba kaniisadood oo ku yaala magaalada Garissa.
Xassan Turki oo ka mid ah Alshabab ayaa waxa uu sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxdooda Al-shabaab ay dileen dad aan shaqa ku lahayn Ilahay,islamarkaana masuuliyada qaraxyadaasi ay iyagu fuliyeen.
“Mujaahidiinta ayaa waxa ay gacmahooda ku ciqaabeen kuwa aaminsan islamarkana caabudayay waxa aan alle ahayn”ayuu sheegay Xasan Turki.
Xasan Turki ayaa waxa uu wacad ku maray in maleeshiyaadka Alshabaab ay sii wadi doonaan tilaabooyinka noocaan ah ilaa dhaqamada noocaan oo kala ah laga cirib tirayo.
isagoo intaasi raaciyay in aysan ku faraxsanayn tacsidii uu Raisul wasaaraha soomaaliya Dr cabdi wali u diray qoysaskii ku geeriyooday weerarka kaniisadaha ayna taasi u arkaan in uu yahay nin wata maskaxda reer galbeedka oo aan islaamka shaqa ku lahayn sida uu sheegay.
Weeraradii Axadii lagu qaaday kaniisado ku yaala Magaalada Garissa ayaa waxaa ku dhintay 17 qof 50kalena waa ay ku dhaawacmee.
Xasan takar waye walal ma aha turki turki wanin aan kuqanacsanen alshab