16.July.2012;- Hay’ada Save the Children ayaa ka digtay xaalada sii kordhaysa ee qaxootiga koonfurta Suudaan ee ku dhaqan xadka ay wadaagaan labada Suudaan.
Hay’ada gargaarka ee Save the Children ayaa sheegtay in dagaal dabada dheeraaday ee ka dhashay muranka xadka u dhaxeeya labada Suudana uu horseedayo qaxooti faro badan kuwasi oo caruur gaaraysa 2,000 oo caruur ah kuwaasi oo buuxdhaafiyay xeryaha qaxootiga iyagoo maalin walba soo gaaraya xeryaha.
Qaxootigan ayaa ka firxanaya waxii ka danbeeyay qalalaasahii ka dhacay xadka tan iyo markii ay koonfurta Suudaan ka mabadax banaanaatay dal waynaha Suudaan sanadkii hore.
Hay’adaha qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa dhowr mar oo hore ka dayriyay xaalada xeryaha qaxootiga ee koonfurta Suudaan iyagoo sheegay hadii aan wax laga qaban arintaasi ay xaaladu gaarayso heerkii ugu xumaa ee adanimo oo qatar ah.
Hay’ada dhinaca caafimaadka ee dhaqaatiirta aan xaduuda lahayn MSF ayaa sheegtay goor hore oo bishani ah in ay qaxooti faro badan ay soo riteen cuduro ka dhashay xaalada nafaqo daro ee ku haysata xeryaha qaxootiga.
Kumanaan qaxooti oo la ildaran cuduro iyo gaajo ayay sheegtay MSF inay maalin walba soo gaarayaan xeryaha qaxootiga si ay u helaan nolol iyo caafimaad.