11.July.2012:- Naadiga reer Russia Anzhi ayaa markale doonaysa inay ka kaluumaysato biyaha kooxda Inter waxayna markale ka doonaysa mid ka mid ah ciyaaryahanadeda ugu fiican.
Kooxda Anzhi ayaa haatan doonaysa saxiixa xidiga kooxaha badan u waalanayaan ee reer Holland Wesley Sneijder,waxayna doonaysaaa in ay ka bixiso qarashaad badan.
Anzhi ayaa horaan kooxda Inter ka iibsaday sanad ka hor weeraryahankoodii ay kasoo qaateen kooxda Barcelona ee Samuel Eto’o oo ay kala baxeen €27m.waxayna xidigaan reer Cameroon mushaar ahaan u siiyaan €20m.
warbixinada haatan ka imaanaya Cariga talyaaniga ayaa sheegaya in naadiga Anzhi ay doonayaan laacibka reer Dutch ee kubad sameeyaha ah,
Anzhi ayaa diyaar u ah inay furfurto boorsooyinka lacagta ee kooxda si ay laacibkaan heerka sare ah usoo xaraystaan,
waxayna naadiga Anzhi Inter ku tibinaysaa aduun lacageed oo gaaraya €25m si ay u hesho saxiixa laacibkaan horay ugu soo ciyaaray kooxda Real Madrid.
Sneijder ayaa dhaawacyo la ildarnaa xili ciyaareedkii dhamaaday ee 2011-12,waxa uuna kooxdiisa Inter u dhaliyay 4gool 27kulan oo kooxdiisa u ciyaaray xili ciyaareedkii hore.