Ururka u dooda xuquuqda muslimiinta oo canbaareeyay biilka ka hortaga argagixisada dalka Kenya.
Published on July 11, 2012 by Sacdiya Garabey · No Comments
11.July.2012:- Ururka u dooda xuquuqda muslimiinta ee dalka Kenya ee loo yaqaano Muhuri ayaa ka codsaday dowlada in ay qeexdo micnaha argagixisada ka hor inta biilka ka hortaga argagixisada aan baarlamaanka la hor geynin.
Saraakiisha ururkani u dooda xuquuqda muslimiinta dalka ayaa waxa ay ku doodeen in biilkani ka hortaga argagixisada uusan ahayn mid micnihiisu qeexanyahay.
Saraakiishani ayaa intaa ku daray in hadii biilkani ka hortaga argagixisada sida uu haatan yahay lagu ansixiyo in taasi ay horseedi karto in dad badan oo kenyan ah oo aan waxba galabsan la iska xirxiro iyaga oo argagixiso lagu eedaynayo.
Mr Mbugwi Mureythi oo ah sharci yaqaan dhanka argagixisada iyo xuquuda aadnaha ayaa waxa uu sheegay in biilkani uu ku guul daraystay in uu sharaxaad ka bixiyo farqiga u dhaxeeya ficilka argagixisada lagu tilmaami karo iyo danbiyada kale .
Biilkani ka hortaga argagixisada oo ay soo diyaarisay wasaarada amniga qaran ee dalka ayaa waxa lagu wadaa in dhawaan baarlamaanka la horgeeyo.

June 18, 2013
Dowlada Kenya ayaa ugu baaqday dadka ku dhaqan countiga Mandera ee gobolka wuqooyi bari in dadka haysta hubka ...
June 18, 2013
Qarax xooggan ayaa xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ...
June 18, 2013
Dowladaha Kenya iyo Nigeria ayaa waxa u socda wada hadalo ku aadan sidii ay dowlada Naajeeriya u soo ...
June 18, 2013
Waaxda kayd haynta qaran ee dalka ayaa waxa ay ka dalbaday baarlamaanka in ay ansixiyaan kordhinta lacagta gunada ...
June 18, 2013
Booliiska magaalada Mombasa ayaa waxa ay faahfaahin ka bixiyeen 2 nin oo looga shakiyay in ay argagixiso ahaayeen ...
June 18, 2013
Ururka ay ku bahooben maclimiinta dalka ayaa waxa ay ku gacan sayreen baaqii dowlada ee ahaa in ay ...
June 18, 2013
Dab xalay ka kacay qayb ka mid ah xaafada suuq mugdi ee magaalada Garissa ayaa la sheegayaa in ...
June 17, 2013
Wararka ka imanaya magaalada Garissa ee xarunta gobolka wuqooyi ayaa sheegaya in suuqa wayn ee suuq mugdi uu ...
June 17, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa manta ka dalbatay wadamada Asia in ay gacan ka gaystaan sidii qaxootiga Soomaalida ah ...
June 17, 2013
Taliyaha guud ee pooliiska dalka ayaa manta magacaabay 47 abaanduuli ee hogaamin doona ciidamada AP e 47 county ...