04.July.2012;- Ciidamada Policeka ee ilaalada ka ah xadka dalkaasi Israel uu la wadaago dalka Falastiin ayaa lagu eedeeyay inay falal xaquuqda aadanaha ka baxsan ay kula kaceen caruurta Falastiiniyiinta.
bayaan laga soo saaray dhibaatooyinka lagula kaco caruurta yar ee reer Falastiin ayaa lagu sheegay in la soo saaray sawiro muujinaya wiil yar oo Falastiini ah dadiisuna tahay sagaal sano jir oo mid kamid ah ciidamada Policeka ee ilaalada ka ah xadka oo ay darbo isugu dhiibayaan askari kale.
Warbixintani ayaa sidoo kale lagu sheegay in falkani lagula kacay wiilkaasi yar ee reer Falastiin uu ka dhacay Jimcihii magaalada Hebron ee daanta galbeed.
Warbixinta laga soo saaray ciidamada Policeka ee Israel kuna sugan xadka ayaa lagu sheegay in arinta ay ku kaceen Policeka Israel ay tahay xad gudub ku ah xaquuqda aadanaha isla markaasina lagu cambaareeyay qaabka ay ilmaha yar kula ciidamada Policeka Israel.
Amaanduuliyaha wata ciidamada Police Israel ee xadka ku sugan oo lagu magacaabo Yoram Halevi ayaa amar ku bixiyay in baaritaan buuxa lagu sameeyo arinta la xiriirta dhacdadaasi.