22.july.2012:- Dalka Norway ayaa maanta u baroor diiqaya sanad kadib dhacdadii lagu laayay dadka badan kuwa kalena lagu dhaawacay ee ka dhacday magaalada caasimada u ah dalkaasi ee Oslo iyo Jaziirada Utoeya.
Mudo sanad ka hor ayaa maanta oo kale waxaa dalkaasi ka dhacay weerar toogasho iyo qaraxyo Bomb isugu jiray oo ay ku dhinteen 77 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 242 ruux.
Qaar ka tirsan ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa iyaga oo ilmaynaya waxa ay markale sheegeen inay xasuusanayaan weerarkaasi naxdinta badnaa waxa ayna ku tilmaameen in ay ahayd dambi loo gaystay dad aan waxba galabsan.
Madaxda ugu sareysa dalkaasi,qaar ka mid ah asxaabta iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa sidoo kale ziyaaran doona goobta lagu aasay dadkaasi oo ay markale tacsi u dirayaan.
Anders Behring Breivik, oo isagu sheegtay in uu ka dambeeyay weerarkaasi dhawaana maxkmad ku taala dalkaas lagu maxkamadaynaayay ayaa haatan xabsiga ku jira.