17.July.2012:- Pro Miguna Miguna ayaa dalka ka dhoofay xili ay taagantahay Muranka ka dhashay Buuga uu ka qoray Raisul wasaare Raila Odinga.
Waaxda garoomada ee Pooliiska ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Miguna ,xaaskiisa iyo sadax caruur ah oo uu dhalay ay 11-kii subaxnimo isniintii ay ka duuleen garoonka caalamiga ah Jomo Kenyatta International Airport.
Miguna ayaa dalka ka dhoofay sida ay sheegeen saraakiisha Booliis-ka garoomada maalintii isniinta ahayd .
waxayna sheegayaan wararka la xiriira safarka Miguna in uu aaday Dalka Canada.
Ka tagida Miguna uu dalka ka tagay ayaa ku soo beegmaysa maalin un ka dib markii dacwad soo oogaha dalka uu amar ku bixiyay in pooliiska ay su’aalo waydiiyaan Miguna taasi oo ku saabsan cadayma uu sheegay in uu ka hayo rabshadihii doorashada.
Mr Tobiko ayaa sheegay in Miguna uu wajihi doono dacwad hadii la ogaado in uu qarinayay macluumaad la xiriira dadkii ka danbeeyay rabshadihii doorashada ee dadka badan ay ku dhinteen
Miguna ayaa maalintii sabtida ahayd mar uu xariga ka jaray buuga uu ka qoray Raisul wasaare Odinga waxa uu sheegay in uu hayo macluumaad ku saabsan rabshadihii doorashada ee dalka ka dhacay iyo qaar ka mid ah dadkii ku lugta lahaa.