10.July.2012:- Dowlada Maraykanka ayaa soo saartay markale digniin cusub oo ku aadan xaga safarada muwaadiniinteeda ay ku imaanayaan dalka Kenya.
Wasaarada Arimaha dibada ee dalka maraynkanka ayaa sheegtay in ay heleyaan warbixino ku aadan qatarta argagxiso ee dalka kenya ,waxayna ugu baaqday muwaadiniinta maraykanka ee u safraya kenya in ay muujiyaan feejignaan ,maadaama mudooyinkaan ay sare u kaceen weerarada argagaxisada.
Digniintani oo la soo marsiiyay safaarada maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xadiday safarada saraakiisha maraykanka ay ku imaanayaan dalka kenya.
Bayaanka safaarada maraynakanka ee digniinta ah ayaa lagu sheegay in safaarada ay sii wadi doonto la socodka iyo qiimaynta xaalada Amaanka ,si isbalada dhacaya loogu sheego dadka.
Digniintan kale ayaa waxaa ay imaanaysaa iyadoo safaarada maraykanka ay dhawaan qaaday digiin ay ku soo rogtay muwaadiniinteeda iyo saraakiisheeda in ay u safraan gobolka xeebta kadib markii ay sheegtay suurtagalnimada weerarada argagxiso oo magaalada Mombasa ka dhaca.