03.July.2012;- Dowlada Israel ayaa ka digtay shirqool ay sheegtay in Dawlada Iran ay ku doonayso in ay ku weerarto danaha Dawlada Yahuuda ee Dalka Kenya.
Raisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay dowlada Iran in ay maleegayso shirqool ay ku doonayso in ay ku weerarto danaha Israel ee Kenya ka dib markii rag Iran u dhashay dhawaan lagu qabtay waxyaabaha qarxa gudaha Kenya.
“Argagixisada Iran ma taqaano xuduud waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha Israail .
Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Iran ay horay u weerartay safaardaha Israel ay ku leedahay dalalka Azarbajan ,Taylan iyo dalka India iminka ogaadeen in Iran ay maleegayso weeraro argagixiso oo ay ku qaado wadamada Africa .
Mr Benjamin Netanyahu ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ka hortagto wadanka doorka ugu wayn ka ciyaaro argagixisada sida uu hadalka u dhigay .
25kii bishii June , ayaa waxa magalada Mombasa lagu maxkamdeeyay laba nin oo Iranian ah oo lagu eedeeyay in ay wateen waxyaabaha qarxa.
Ragani Iraaniyiinta ah ayaa diiday eedaynta loo soo jeediyay waxa ayna sheegeen in aysan ahayn argagixiso .
Eedayntani dowlada Israel ay u soo jeedisay Iran ayaa imaanaysa xili Kenya iyo Iran ay kala saxiixdeeen heshiis dhanka saliida ah.