12.July.2012:- Gudiga doorashada iyo xuduudada ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in howsha diiwaan galinta codbixiyayaasha ay bilaabi doonaan bisha August ee soo socota .
Gudiga ayaa waxa ay sheegeen in ay iminka bartilmaameedsanayaan in ay diiwaan galiyaan 19-kun oo cod bixiyayaal ah.
Joyce Muthoni Wangai oo ka mid ah saraakiisha gudiga doorashada ayaa waxa ay sheegtay in shaqooyinka ugu horeeya ee ay hada qabanayaan ay ka mid tahay iyaga soo gaazeet garayn doona 80 degaan ee cusub maabkooda iyo xuduudadooda.
Ms Muthoni ayaa sheegtay in gudiga ay samayn doonaan wax waliba oo kalaankooda ah si loo xaqiijiyo geedi socod doorasho oo ku dhisan si xaq ah .
Gudiga doorashada ayaa waxa diiwaan galinta codbixiyayaasha ka hortaagnaa ayada oo kiisas ka dhan ah ay yaaleen 80 degaan cusub taasi oo iminka lagu kala baxay .