11.July.2012:- Gudiga doorashada iyo xuduudada ayaa bilaabaya dib u magaacibada goobaha magacyada laga badalay iyo wadhadhka sidii ay maxkamada sare amartay .
Sargaalka dhanka fulinta u qaabilsan gudiga doorashada iyo xuduudada Jemes Oswago ayaa sheegay in looyaradooda ay aqriyeen gudoonkii ay soo saareen maalintii isniinta 5 garsoore islamarkana ay hirgalinta gudoonka bilaabi doonaan .
Arintan ayaa imanaysa maalin uun ka dib markii maxkamada sare ay riday gudoonkii ku saabsanaa xuduudada 80-ka deegaan ee cusub.
Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha deegaano kala duwan oo uu gudoonkani saameeyay ayaa iyagu sheegay in gudoonkani ay racfaan ka qaadan doonaan halka gooba badana looga qancay .
sidoo kale Qaar ka mid ah degaanada ku yaala gobolka waqooyi bari ayaa waxa ay hogaamiyayaashooda sheegeen in aysan ku qanacsanayn gudoonka maxkamada islamarkana ay racfaan ka qaadan doonaan .
Pliz dt al pple understand hw 2 read kisomali so u may write in kiswahi if posible