12.July.2012:- Daafaca Kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaa sheegay in uu walwal badan ka qabo hanaanka woodeed ee kooxda is dhisaysa ee manchester City .
Kooxda Manchester City ee ay cadaw ciyaareedka dariska ah yihiin Man Unted ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday qaab layaab leh kula loolantay horyaalka kooxda Unted oo ay ka qaatay daqiiqadihii ugu dmabeeyay.
Rio Ferdinand ayaa sheegay in uu marwalbaa niyadiisa kusoo xasuusto waxii dhacay ayna ahaayeen dhacdooytin aan la hilmaami karin.
Xidigaan dhanka daafaca uga ciyaara Manchester United ayaa xusay in loolankii ak dhacay horyaalkaPremier League xili ciyaareedkii hore uu yahay midka maankiisa aan ka baxayn.
Ferdinand ayaa sheegay in ciyaarta daqiiqadihii ugu dmabeeyay ay ahayd mid aan soo gabasho laahyn kolkii kulankoodii uu idlaadayna wax yar kadib ay ciyaartu isbedeshay Sergio Aguero-na uu guusha Cup ay kooxdiisu ka quusatay gacanta u galiyay.
“ugu horayntii,waxa ay ahayd mid ka mid ah dhacdooyinka aan la hilmaami karin,waa dhacdooyin layaab lahaa waa kuwa maankayga aan waligood ka baxayn”
“asbuucyadii ugu horeeyay,waxaad iska joogaysaa dhexdhexaadka,run ahaantii aadbaan uga xumaaday waxii dhacay waaa mid aan habeenkii aan ka seexan”
“waxii dhacay habeenkii kama seexdo waa kuwa aan maankayga ka baxayn waa taariikh mucjiso ah oo aan dhaxalnay”
Ferdinand ayaa markale rajo wanaagsan ka muujiyay in loolanka Horyaalka xili ciyaareedka soo aadan uu kii hore kasii wanaagsanaan doono waxa uuna shaaciyay in ay ku loolami doonaan xili ciyaareedkaan kooxo badan sida isaga la muuqata.