31.July.2012:- Wasiirka deegaanka Mr Chirau Ali Mwakwere oo dhawaan uu amar ku bixiyay dacwad soo oogaha dalka in dacwad lagu soo oogo ayaa la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Ciidamada Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in aysan ka warqabin halka uu ku suganyahay balse ay baadi goobayaan.
Mr Mwakwere ayaa waxaa loo haystaa dacwado la xiriira in uu jeediyay khudbad ay ku jireen waxyaabo nacayb dhalin kara .
Gudiga qaran ee isku duubnaanta iyo midaynta ayaa sheegay in wasiirka deegaanka uu hadaladani ku hadlay mar uu ku guda jiray ololihii doorashadii ku celiska ahayd ee deegaankiisa.
Mr Chirau Ali Mwakwere wasiirka deegaanka ayaa isku dayay in uu hor istaago dacwadani lagu soo oogayo balse waxaa taas ku gacan sayray maxkamada sare ee dalka .
Gudiga qaran ee isku duubnaanta iyo midaynta ayaa waxa ay wacad ku mareen in ay si wayn isha ugu hayn doonaan khudbadaha ay siyaasiyiinta jeedinayaan.