19.June.2012:- Madaxwayne Mwai Kibaki ayaaMagacaabay Xilkii uu ka geeriyooday George Saitoti oo shil diyaaradeed ku dhintay Asbuuc ka hor kaas oo ahaa Wasiirka Amniga Gudaha.
Mwai Kibaki Madaxwaynaha dalka Kenya ayaa u magacaabay sii hayaha xilka wasiirka Amniga Qaranka Yuusuf Maxamed Xaaji .
Mr Yuusuf Xaaji ayaa ayaa ah sidoo kale wasiirka Gaashaandhiga waxa uuna jagadani Cusub ee wasiirka Amniga Gudaha u sii hayn doona si KMG.
Dadka lafa gura siyaasada ayaa waxa ay sheegeen in Mudane Yuusuf Xaaji uu qibrad u leeyahay howlaha amaanka islamarkaanka uu mar soo ahaa gudoomiya gobolka.
Jagada wasiirka Amniga Qaranka iyo ku xigeenkiisa ayaa banaanaatay ka dib markii wasiirkii amniga gudaha Prof George Saitoti iyo ku xigeenkiisii Orwa Ojode ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed.
Booska Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ayaa ah iminka mid muhiim ah xili wadanka ay ka jiraan qataro badan oo dhanka amaanka ah .
waa arin dhab ahaantii wanaagsan