05.Jun.2012:- Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa maanta lagu wadaa in ay bilaabaan dooda miizaaniyadii uu horaan u soo bandhigay wasiirka maaliya Mr Njeru Githae.
Miizaaniyada oo dhan 1-Trillion ayaa ah mid si wayn u balaaran marka la eego xaalada dhaqaale ee dalka,iyadoo dhawaana uu Wasiirka Maaliyada usoo Bandhigay Golaha Baarlamaanka .
Qaar ka mid ah wasaaradaha dowlada oo horay lacagaha loo qoondeeyo ay yaraan jireen sida wasaarada gaashaandhiga ayaa sanadkan loo qoondeeyay lacago badan .
Wasiirka Maaliyada ayaa tilaabadani ku micneeyay in dalka Kenya uu dagaal adag kula jiro xarakada Alshabab haatan islamarkaana Wasaarada Gaashaandhiga ay u baahnatahay qarashaad badan.
Sidoo kale wasaaradaha kale ee lacagaha badan dalbaday ayaa waxaa ka mid ah wasaarada Amniga Gudaha oo sheegtay in sugida Amniga gudaha ay ku baxayso lacag badan maadaama ay jiraan khataro argagixiso .
Miizaaniyada ay maanta bilaabayaan doodeeda xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah meelaha ay lacagta ugu badan ku baxayso maaraynta 47 Counti ee uu dalka ka koobanyahay .