17.June.2012:- Ururka ay ku bahoobeen Dhaqaatiirta Dalka ayaa si aad ah u dhaliilay lacagtii wasiirka Maaliyada u qoondeeyay waaxda caafimaadka Dalka.
Gudoomiyaha Ururka ay ku bahoobeen dhaqaatiirta Dalka Vigta Ingani oo la hadlay Radio-ka Dawlada ayaa sheegay in dawlada aysan ka go’nayn hirmarinta Waaxda caafimaadka Wadanka.
Masuulkaan ayaa waxa uu intaasi ku daray in dawlada aysan wali ka dhabayn balan qaadkeedii ahaa in ay wax ka qabanayso dhibaatooyinka la xiriira dhanka adeegyada caafimaadka ee dalka.
Gudoomiyaha Ururka ay ku bahoobeen Dhaqaatiirta Dalka ayaa sidoo kale farta ku fiiqay in dawlada laga doonayo hormarinta waaxda caafimaadka dalka sidaas dardeedna laga doonayay in waaxda caafimaadka loo qoondeeyo lacag gaaraysa 142bilyan oo shling.
Waaxda kayd haynta Dalka ayaa u qoondeysay wasaarada caafimaadka wadanka lacag dhan 85bilyan oo shling.waxayna dawladu sheegtay in qayb ka mid ah lacagtasi lagu qori doono dhaqaatiir Cusub.