Saturday, May 18th, 2013

Shirkii Somalida ee Turkiga oo soo gaba gaboobay iyo warmurtiyeed ka soo baxay.

Published on June 1, 2012 by   ·   1 Comment

01.Jun.2012:-  waxaa soo dhamaaday shirkii ka dhacayay magalaada Istanbul ee Dalka Turkiga kaas oo looga hadlaayay arimaha Somaliya,waxaana kasoo baxay warmurtiyeed muhiim ahaa.

ka dib gaba gabadii kulankaasi ayaa waxaa shir jaraa id si wada jir ah u qabtay raisul wasaaraha martida loo ahaa ee dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ,Xoghayaha Guud ee QM Ban Kii Moon iyo waliba madaxwaynaha Somaliya Shariif Sh Axmed waxana ugu dambeyntii ka soo baxay shirkaasi warmurtiyeedkaan :-

-In La Tixgelinayo Madaxbanaanida,Sharafta iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

-In Nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya ayadoo Shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin,nabadeyn iyo Xiriir Siyaasadeed si loo helo Dowlad wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta.

-In Beesha Caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii Dowladda ee Sanadkii lasoo dhaafay oo Marxaladdo adag lagusoo shaqeeyey islamarkaana horumar laga sameeyey dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda,bani aadannimada iyo Dib U Heshiisiinta.

-Shirkan wuxuu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyadda koobaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida beesha Caalamkuna ay ku taageerayaan.

-In la xasuusto shirkii London oo aad iyo Aad muhiim u ahaa arimmo badanna lagu gaaray.

-In lasoo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala Accord,Road-Map,Garowe Principles iyo Addis Ababa.

-In Beesha Caalamku ay si deg deg ah u fuliyaan dhammaanba Ballanqaadyadii ay horey u ballan qaadeen si loo helo markii Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub.

-In Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka ayadoo golaha ansixintana 30%haween ay yihiin.

-In Shirka Istanbul uusoo dhaweynayo iney si KMG ah u ansixiyaan Dastuurka.

-In Shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talageliyo Dastuurka ayagana ay xaq u leeyihiin.

-Shirka Istanbul wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Baarlamaanku Cusub oo noqdo mid loosoo xulo si cadaan ah oo aanay mugdi ku jirin.

-In Doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka aanay laga dib dhigi Karin waqtigooda.

-Wuxuu kaloo Shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii Bishii May kasoo baxay IGAD,AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers) ayadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag.

-In Beesha Caalamka looga baahanyahay iney taageeraan qabsoomida Wadahadallada dhexmaraya DFKMG iyo Somaliland.

-Kasoo qeybgalayaashu waxey aad iyo aad u eegeen in Siyaasadda cusub ee hada dhalaneyso loo baahanyahay hay’adaha lasoo dhisayo iney noqdaan kuwo Soomaalida oo dhan wada meteli kara.

-Shirkan wuxuu tixgelinayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka ayadoo Soomaalidana laga doonayo iney texgeliyaan dhowrid Xuquuqda Aadanaha.

-In La helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda umadduna is cafiso sida dalal badan oo Caalamka ah ka dhacday.

-Waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya August 20-2012 barnaamijyo cusub oo dib loogusoo celinayo dhismaha hay’adaha Dowliga taasi oo sii ambaqaadeysa qodobada ku xusan Road-Mapka.

-In Lasoo Celiyo dib u dhiskii dalka ayadoo dhammaanna Hay’adaha Ammaanka loo helayo tasaaliidkii ay u baahnaayeen laguna Xoojiyo.

-In Xaga Tababarrada laga taageero Ciidammada Soomaaliya sida ay hada bilowday Dowladda Turkiga.

-In La Sameeyo Ciidammo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo Dalka Ammaankooda sugi kara.

-In Lagu ammaanay AMISOM howlaha ay xaga Amniga ka wadaan iyo sido kale Dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.

-In Dowladihii horey u balan qaaday iney Soomaaliya usoo dirayaan Ciidammo ka mid noqda AMISOM ay si deg deg ah usoo dhameystiraan Ciidammadii ay ballan qaadeen.

-In Laga hortago dhammaanba wixii keeni kara Carqalad.

-In Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada shaqeeya sii xoojinta Hay’adaha Amniga.

-In La Dhiso amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’adihii Sharciga sida Maxkamadihii.

-Shirkan wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka Argigixisanimo,Dagaallada iyo Xuquuqul Insaanka oo lagu tunto wuxuuna dhiirigelinayaa sidii Beesha Caalamku arrimahaasi oo dhan ugasoo wada horjeesan laheyd.

-Shirkan wuxuu Cambaareynayaa in Carruurta loo adeegsado dagaallada ayadoo la askareeynayo

-Shirkan wuxuu u arkaa la dagaalanka Burcad Badeeda Xalka guud ee lagula dagaalami karo inuu yahay in Burcad Badeeda lagala dagaalamo Berriga.

-In Soomaalidu ay si guud uga wada shaqeeyso Xasilinta ayadoo laga hortagayo in Al-Shabaab iyo Al-Qaeda fursad loo siiyo iney kusoo laabtaan deegaannadii laga xoreeyey.

-Shirkaan wuxuu ku ammaanayaa Dowladda hirgelinta Maamullada deegaannadii laga saaray Al-Shabaab ayadoo Beesha Caalamkana ay arimahaasi Dowladda ku taageereyso.

-In Beesha Caalamku ay tixgeliso habab amni loogu sameynkaro goobahaas la xoreeyey si hanaanka maamul uu usii shaqeeyo.

-In La sameeyo Sanduuq Dhaqaale oo sii dedejiya fulinta ayadoo Caalamku si wadajir ah uga qeyb qaaadanayaan  Arrimahan taasi oo loo arko mid ka duwan sidii Caalamku horey ugu taageeri jirey Soomaaliya.

-In Loo baahanyahay in lasii wado gargaarka lasiinayo dadka Barakacayaasha.

-In la aqoonsado iney Soomaaliya hada galeyso marxalad cusub oo ah kasoo kabashada dhaqaalaha loona baahanyahay in lagu taageero oo lagu garab galo.

-In xooga la saaro dib u dhiska dalka ayadoo si gaar ah looga soo kabanayo burburkii dagaallada gaar ahaan guryaha ku yaala Caasimadda.

-In la hirgeliyo mashaariic biyo gelin ah taasi oo qeyb ka ah mashaariicda Horumarineed.

-In Dowladda iyo hay’adaha gaarka ah iska kaashadaan xaga maalgelinta iyo horumarinta howlaha.

-In Shirkan uusoo dhaweynayo Wadahadalada Socda ee lagu sameynayo Hay’ad Dhaqaalle oo ka wada dhaxeysa Dowladda iyo Caalamka ayadoo Wadahadaladaasina si deg deg ah loosoo dhaweynayo.

-In Shirka iyo Beesha Caalamkuba ay taageerayaan sidii Soomaalida ay Dhaqaalahooda u maamulan lahaayeen

Fulinta qodobadan ayaa waxaa loo xilsaaray Mas’uuliyadeeda Koobaad Dowladda Turkiga ayadoo beesha Caalamkana ay arintaasi gacan ka geysan doonaan.

 

PDF    Send article as PDF   

Readers Comments (1)

  1. Waad ku mahadsantihiin dhaman horumarinta aad hormarineysiin ummada soomaliyeed balse ma ka hadlin waxbarashada dhalaanka ama ubadka soomaliyed




Local News

kenya adn tanzania flag

Kenya iyo Tanzania oo si wadajir ah howlgal ammaan uga fuliyay xuduuda ka dhaxaysa

May 18, 2013
  Kenya iyo Tansaaniya ayaa   si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlgal ammaan kadib markii laba todobaad ka hor ...
supreme_court

Garsoore sare oo ka tirsan maxkamada sare oo shaqadiisii hakad la galiyay.

May 18, 2013
  Gudiga adeega Garsoorka ee loo soo gaabiyo JSC ayaa hakad galiyay howlihiisa garsoore sare oo ka tirsan maxkamada ...
narok

Shil gaari oo qasaare geestay oo ka dhacay Narok

May 18, 2013
  Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay mid kalena waa uu ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay ...
uhru

Madaxweyne Uhuru kenyatta oo la kulmay dhamaan gudoomiyayaasha Deegaanada Dalka

May 18, 2013
  Madaxweyne Uhuru kenyatta ayaa la kulmay dhamaan gudmooyiyaasha Countiyada 47 Counti wadanka. Kulanka oo ka dhacay State houseka ayaa ...
wajir women

Haweenka tuulooyinka Wajeer oo dhibaatooyin ka cabanaya

May 18, 2013
  Haweenka ku dhaqan tooliyinka countiga wajeer ayaa waxa haysta dhibaatooyin kala dowan oo ay cabasho ka muujiyeen. Wariyaha Starfm ...
DJ 3

kenya oo doonaysa in la kordhiyo tirada AMISOM

May 17, 2013
  Dowlada dalkani kenya ayaa doonaysa in la kordhiyo tirada ciidamada nababad ilaalinta Midowga afrika Amisom ee ka howlgala ...
Attorney-General-Githu-Muiga

Xeer ilaaliyaha guud oo sheegay in baaritaankii lagu sameeyay rabshadihii tana Riiva dhawaan la soo bandhigi doono.

May 17, 2013
  Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa sheegay in warbixinti baaritaankii lagu samayay isku  dhacyadii Tana Riiva oo ay ...
iebc

Gudiga doorahada iyo Xuduudaha oo dalbaday dhaqaale ay ku qabtaan doorshada ku celiska ah ee MKweni.

May 17, 2013
  Gudiga doorshada iyo xuduudaha ayaa waxaa ay sheegeen in 300 ilaa 400 oo milyan ay u baahanyihiin si ...
kidero

Gavanaaga countiga Nairobi oo waqti kama danbays ah u qabtay dhamaystirka dhismaha wadooyiinka Islii .

May 17, 2013
  Gavanaaga countiga nairobi Evans Kidero ayaa amar ku bixiyay in qandaraaslayaasha wada howsha dhisida wadooyiinka Islii ay dhameeyaan  ...
hyna

Qaar ka mid ah duur joogta oo la sheegay in ay sii dabar go’ayaan .

May 17, 2013
  Waxaa soo baxay warar sheegaya in cidooda ama duur joogta qaar ka mid ah ay sii dabar go'aan waxa ...

Sports

Falcao

Falcao ” Warka Mustaqbalkeyga Laga Sheegey Waa Been Abuur ”.

May 18, 2013
  Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcaoayaa beeniyay in uu wax ka og yahay in ay jiraan wadahaadlo uu ...
Seedorf

Seedorf Oo Loo Badinayo Inow Tababara Ka Noqdo Kooxda AC Milan

May 18, 2013
  Mulkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa dhawaan sheegay in tababare Massimiliano Allegri uu ka tagayo kooxda isla markaana ...
ac-milan-serie-a

Tababarahii Hore Ee Kooxda AC Milan Massimiliano Allegri oo U Wareegay Kooxda Roma

May 18, 2013
  Mulkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa tibaaxay in tababaraha kooxda Massimiliano Allegri uu u wareegayo kooxda Roma marka ...
david-moyes

David Moyes Kulanka So Socoto Maxoy Samedonaa ?? Maxadna Ku Qiyaasi Karta ?

May 18, 2013
  Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, David Moyes ayaa diyaar u ah in uu bilaabo shaqada kooxda United ...
insta

Xidiga Barcelona Andres Iniesta Oo Aan Ku Faraxsaneyn La Joogitanka Kooxdaasi

May 18, 2013
  Ninka labaad ee ugu wanaagsan kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa sheegay in uusan ku faraxsaneyn xiligan Barcelona . Andres ...

HEESTA MAANTA

oyun oyna