19.June.2012;- Raisul wasaare Raila Odinga ayaa waxa uu ka codsaday wadamada ay kenya iska kaashadaan dhanka hormarka in ay Kenya ka caawiyaan qabashada doorasho u dhacda si xaq iyo xor ah .
Mr Raila Odinga ayaa ku nuuxnuuxsaday in loo baahanyahay dhaqaala badan marka ay timaado qabashada doorashada guud ee soo socota .
Raila Odinga ayaa farta ku fiiqay in lacagaha ay bixiyaan deeq bixiyayaasha lagu buuxin doono dulduleelaha dhanka dhaqaalaha ee soo wajaha gudiga doorashada .
Mr Odinga ayaa sidoo kale soo dhaweeyay talooyin kasta oo ay soo jeediyaan wadamada ay hormarka iska kaashadaan taasi oo ku saabsan doorashada guud ee soo socota iyo qaabkii dadka loo wacyi galin lahaa iyo u qabsoomideeda si hufan.
Raisul wasaare Riala Odinga ayaa dhanka kale u xaqiijiyay beesha caalamka in ay dowlada ka go’antahay in doorashada guud ee soo socota ay u dhacdo si xaq iyo xor ah .
Mr Odinga ayaa muujiyay raja wanaagsan oo ku saabsan in marka la eego dastuurka cusub ee ay dadka Kenyanka ansixiyeen uu wadanka iminka u jihaysan doono jiho cusub .
Raisul Wasaaraha ayaa ka hadlayay furitaankii kulankii afaraad ee wadamada kenya ay iska kaashadaan dhanka hormarka kaasi oo ka furmay xarunta shirarka caalamiga ah ee KICC.