11.June.2012;- Xiisadihii iyo rabshadihii ka socday gobolka Rakhine ee galbeedka dalka Burma ayaa sii kordhay kadib markii uu Madaxwaynaha dalkaasi Burma Thain Sain ku soo rogay gobolkaasi xaalad bandow ah.
Qalalaasaha ka dhacaya dalkaasi Burma ayaa waxaay u dhaxeeyaan dad yowga Muslimiinta iyo Budhistaha Kirishtanka ee dalkaasi oo todobaadkii hore iska dilay ku dhawaad 7 ruux isla markaasina ay halkaasi ka bilowdeen dibad baxyo ay dhigayaan boqolaal dad ah kuwaasi oo waxyeeleeyay agaasi.
Rabshadahani ayaa ka danbeeeyay kadib markii bishii aanu soo dhaafnay lagu dilay dalkaasi haweenay kooxaha Buddhistaha Kirishtanka kamid ahayd isla markaasina la weeraray Bus siday dad kale oo Muslimiin ah.
Shalay ayaa korneen hore oo Britten ah waxaa uu ugu baaqay madaxda dowlada iyo hogaamiyayaasha kale ee dalkaasi inay bilaabaan wada hadalo lagu dhamaynayo qalaalaasahaasi.
Xafiiska wasiirkii hore ee arimaha dibada Jeremy Browne ayaa si wayn u cambaareeyay xaalada iyo rabshadaha ka socda dalkaasi xili ay dowlada Britten iyo wadamo kale sii wadayaan tartanka ay ugu jiraan horumarinta saaxiibtinimo ee dalkaasi Burma.