05.Jun.2012:- Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa xoojiyay dadaalada ay ugu jiraan sidii ay usii adgayn lahaayeen amaanka islamarkaana ay wax badan uga qaban lahaayeen Amaanka guud ahaan wadanka .
Ciidamada Police-ka ayaa sidoo kale xoojiyay baadi goobka ay ugu jiraan dadka looga shakisanyahay in ay lug ku leeyihiin howla argagixiso iyo xuuraansi badana wada.
Arintani ayaa ka danbaysay ka dib markii dhawaan shirkad dhanka sirdoonka ah oo saldhigeedu yahay maraykanka ay ka digtay in Alshabaab ay qorshaynayaan Weeraro ay ka gaystaan gudaha wadanka .
Police-ka ayaa gaar ahaan si wayn u xoojiyay goobaha xuduudaha ee wadamada dariska la ah dalka Kenya sida xuduudaha ay la leeyihiin Soomaaliya ,Uganda iyo xuduuda uu dalka la wadaago Tanzaaniya .
Afhayeenka Police-ka dalka Eric Kiraithe ayaa waxa uu sheegay in laamaha amaanka ee dalka ay iskaashi la samaynayaan dhigooda wadamada dariska ah sida Uganda si loo xoojiyo guud ahaan amaanka gobolka .
Asc i cld ve say both the gov’t & the raias must do same coz only the gov’t itslf dosnt control the stratigy of the country