11.June.2012:- Tababaraha qaranka England Roy Hodgson ayaa usheegay ciyaaryahanadiisa in ay isku diyaariyaan tartan adag kulankooda ugu horeeya ee Europe.
Kooxda macalin Hodgson ayaa kulankooda ugu horeeya Euro 2012-ka la ciyaari doonta caawa qaranka France waxaana ay ciyaarta ka dhacaysaa Koofur bari dalka Ukraine.
Kadib tababarkii ay ku qaateen Donbass Arena, ayaa macalinka waxaa uu usheegay ciyaaryahanadiisa in ay is adkeeyaan kulanka bilowga ah
‘waxaan umalaynayaa in aad diyaar utihiin oo ay idinku filan tahay hada waad haystaan kalsooni aad guul ku gaartaan’
Tababare Hodgson ayaa ciyaaryahanada uu ku bilaabayo kusoo daray xidiga Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain
‘taageerayaasha fariinta aan idiin dirayo waa in aan samaynayno dadaalka ugu wanaagsan oo ah in ay gurigooda ku laabtaan iyagoo faraxsan oo aan niyad jabnayn mana ubalan qaadi karno wax intaas ka badanwaana balanta kaliya ee aan qof kasta siin karno.’
Wiilka da’da yar Alex Oxlade-Chamberlain ayaa kaga hormari doona booska bidixda weerarka ciyaaryahan Stewart Downing kulanka ugu horeeya
Kooxda Macalin Laurent Blanc ayaa iyagana isku diyaarinaya kulankooda ugu horeeya iyagoo ku kalsoon awooda ay ku bur burin karaan qaranka England oo qaar kamid ah ciyaaryahanada lafdhabarta u ahaa dhaawac ahaan uga soo tagay