14.June.2012:- Marwada Koowaad ee Madaxwaynaha Dawlada Kmg ah ee Somaliya Marwa Faadumo Xaaji Mustaf ayaa casuumaad balaaran ooq ado sharaf ah maanta u sameysay qaar ka tirsan ahweenka Somaliyeed oo ay kala hadashay arimo dhawr ah.
Qado sharafta ay haweenka maanta u samaysay marwada madaxwaynaha ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa marwada Raisul wasaraha Xukuumada Kmg ah ee Somaliya Mrwa Hodan Saciid Yuusuf oo iyana tartaaran muhiim ah u jeedisay haweenka Somaliyeed oo ay ugu baaqayday inay nabada ka shaqeeyaan.
Waxayna ujeedada ugu muhiimsan ee Kulankaasi uu ahaa sidii looga tashan lahaa hormarinta xuquuqda haweenka islamarkaan awax la iskaga waydiin lahaa sida loo dhawrayo.
waxaana Kulankasi laga jeediyay hadalo dhiiri galin ah islamarkaana ka tarjumaya rajada iyo hormarka dlaka somaliya waxayna dhamaan ahweenkii kulanakasi qado sharafka ah yimid ku baaqeen in nabada iyo hormarka socda laga qayb qado.
Marwada madaxwaynaha dawlada Kmg ah ee Somaiya Marwa Faadumo Xaaji ayaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeysay geerida gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka waxaana ay Madaxda sare ee Qaranka ugu baaqday iney bixiyaan xuquuqda Haweenkii Soomaaliyeed ee naftooda ku waayey in dalka ay ka xoreeyaan cadawga.
Kulamadani ayaa qayn wayn ka qaadan kara dhiiri galinta iyo dadaalada aan loo kala harin ee madaxda dawlada iyo qoysaskoodu ugu jiraan Hormarka dalka Somaliya.