24.June.2012;- Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in saxaafada loo damaanad qaado xorriyad hadii la doonayo sida uu sheegay in la dardar galiyo isbadal ku yimaada bulshada iyo dhaqaalaha dalka .
Mr Musyoka ayaa xusay in warbaahintu wadanka Muhiim u tahay waxa uuna farta ku fiiqay in qodobada sharciga ee xanibaya xuriyatul qolka uusan sal ku lahayn dastuurka cusub ee dalka .
Madaxwayne ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay in ilaa dimuqraadiyada ay noqoto mid soo ifbaxda oo ay ka gaarto heer xoriyadeed, taasi oo ogolaanaysa canbaaraynta wax ku oolka ah, aan la dhihi karin dimuqraadiyad .
Mr Kalonzo Musyoka ayaa siwayn ugu dheeraaday Tixraaca doorka ay saxaafada ka ciyaarto hormarka waxa uuna muujiyay baahida loo qabo in saxaafadu yeelato sharciyo la jaan qaadaya dhabaha Hormarka ee dalka tiigsanayo.
Madaxwayane ku xigeenka dalka Kenya ayaa waxlaga shalaayo ku tilmaamay in qaar badan oo ka mid ah hay’adaha Warbaahinta iyo Wariyayaasha ay ku shaqeeyaan cadaadis iyo cabsi galin ku aadan hanjabaadyo Dil iyo xarig ku aadan.