05.Jun.2012:- Waxaa guud ahaan maanta caalamka laga xusayaa Maalinta Deegaanka Aduunka oo sanad waliba maanta oo kale ku beegan.
Waxaa lasoo bandhigaa warbixinadii ugu dambeeyay ee dhanka deegaanka iyo isbadaladiisa iyadoo wadan walbaana uu si gooni ah u sameeyo munaasabado arintaasi ku aadan.
Maanta oo kale waxaa sidoo kale la qiimeeyaa dadaalada daryeelka deegaanka sida wadan walbaa u fuliyo iyo waliba iyadoo la shaaciyo baaqyo ku adaan xanaanada deegaanka.
Raisul Wasaare Raila Odinga ayaa maanta horkici doona Munaasabada qaran ee lagu xusaayo maalinta deegaanka aduunka iyadoo masuuliyiin badan oo dhanka dawlada ahna ka soo qayb galayaan.
Mr Raila iyo madax badan oo uu hogaaminayo ayaa booqan doona kaynta Karura halkaasi oo ay sidoo kale ku biiri doonaan dadka u dhaqdhaqaaqa daryeelka degaanka.
Tira ka mid ah ardayda wax ka barata iskuulada wadanka ayaa iyaguna beeri doona Geedo taasi oo sare loogu qaadayo bilic deegaanka dalka .
Maalintani deegaanka aduunka ayaa sanad waliba laga xusaa guud ahaan caalamka 5 bisha Jun ayada oo loo adeegsado wacyigalin ku saabsan daryeelka degaanka iyo ayada oo dareenka dowladaha caalamka lagu baraarujiyo wax ka qabashada degaanka.