14.June.2012:- Dowladda Britain ayaa balan qaaday in ay dhexdhexaad ka ahaan doonto isla markaana cidna u xaglin doonin doorashada guud ee laga qabanayo dalka kenya sanadka soo socta.
Danjiraha Cusub ee Dowlada Britain ufadhiya Dalka Kenya Christian
Turber ayaa u xaqiijiyay Dowlada kenya in Britain aysan cid amaba Hogaamiye ay si gaar ah utaageerayn.
Danjiraha Britain ayaa carabka ku dhuftay in Dowladda Madaxweyne Mwai Kibaki ay si dhow ugala shaqeyn doonaan sidii doorashada soo socota ay si nabad ah ugu dhici laheed.
Mr Christian Danjiraha Cusub ee Dowlada Britain ufadhiya dalka Kenya ayaa sheegay in Kenya iyo Britain ay wadaagaan waxyaabo badan sida dhaqaalaha,Siyaasada ,iyo dhaqanka.
Dowlada Britain ayaa u sheegtay Dowlada Kenya inay ka taageeri doonto dhinacyo badan iyadoo Britain taageero ay siiso Dowlada dalka Kenya Sanad walba lagu qiyaaso 20 Billion oo shilling.