20.June.2012:- Dowladaha Maraykanka iyo New Zealand ayaa kala saxiixday heshiis lagu balaarinayo wada shaqaynta dhinaca difaaca ee labadaasi wadan taasi oo loogu gogol xarayo sare u qaadista xriirka u dhaxeeya labada wadan.
Heshiiska ay kala saxiixdeen labada dowladood ayaa waxaa uu kadhacay Magaalada Washintoon ee xarunta dalka Marykanka iyadoo ay wada gaareen heshiiskaasi Wasiirka Difaaca ee dowlada New Zealand Jonathan Coleman iyo dhigiisa dowlada Maraykanka Leon Panetta.
Mr Jonathen ayaa sheegay in heshiiskani uu ka dhisayo labada wadan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen xiriirka Militeri ee labada wadan ka dhaxeeya iyo siyaasada madax banaan ee dibada ee ay wadaagayaan labada dowladood.
Aqalka Pentagonka Maraykanka ayaa sheegay in heshiisyadani ay ku jiraan kuwo dhinaca amaanka ah iyo kuwa ka hortaga masiibooyiinka.
Dowlada Maraykanka ayaa sidoo kale balaarinaysa xiriirkeeda Difaaca ee ay la leedahaya Australia iyadoo dowlada Maraykanku ay u daadguraysay waqooyiga magaalada Darwin ciidamo kuwa bada ah oo gaaraya 2,500 oo askari si ay u xoojiyaan awoodeeda ciidan waqooyiga dalka Australia sanadka 2017 ka.