06.Jun.2012:- Muddo Sedex Sano ah ka dib markii Qoysas badan laga raray Kaynta Mau ayaa hada waxa ay Dowlada u qoondaysay dhul cusub oo ay dagaan dadkii Kayntaasi laga raray.
Qoysaskii Badnaa ee laga raray Kayntaasi ayaa dhawr jeer oo hore dawlada ka codsaday in ay u samayso dib u dajin islamarkaana ay siiso deegaan ay dagaan.
Koox indha indhayn ku samaynaysay goobta cusub ee Dawladu ay ugu tala gashay in ay dajiso 400 oo qoys oo ka mid ah dadkii laga raray kaynta Mau ayaa howshooda soo gabagabeeyay iyaga oo kormeer ku sameeyay goobaha dadkani loo qoondeeyay in la dajiyo.
Waxayna Kooxdani soo daraaseeyeen hanaanka deegaan ee goobtaas iyo sida ay ugu8 haboon tahay in la deegaameeyo.
Wasaarada Barnaamijyada Gaarka ah ayaa waxa ay horay u sheegtay in aysan hayn lacago ku filan oo ay dib u dajin ay ugu samayso dadka laga raray Kaynta .
Dowlada ayaa iyana marar badan ku guul daraysatay in ay dib u dajin u samayso dadkii dhawr sano ka hor laga raray Kaynta Mau.