Dowlada dalka ayaa sheegtay in ciidamo amaan oo dheeraad ah ay u daad gurayn doonto Countiga Isielow.
Komishonka cusub ee counti-ga Isiolo Mr Wanyama Musiyambo ayaa u xaqiijiyay dadka deegaanka in dowlada ay u daad gurayn doonto ciidamada AP-da iyo kuwa booliiska caadiga ah goobaha ay ka jirto amaan xumada baahsan.
Xili uu lahadlayay saxaafadda ayaa Mr Wanyama waxaa uu sheegay in dhawaan ay countiga Isiolo dowladu gayn doonto ciidamo gaaraya 800 oo ah ciidamaada amanka oo isugu jira booliiska, ciidamada GSU loo yaqaano si amaanka countiga loo xoojiyo.
Waxa uu intaa ku daray Mr Wanyama in dowlada ay si aad ah ay ula socon doonto ciidamada KPR ee laga qoray degaanadaas si loo xaqiijiyo in qoryaha la siiyay aysan u isticmin si qaldan.
Degaanka Isiolo ayaa waxaa dabayaaqadii sanadii aanu soo dhaafnay iyo horaantii sanadkan ka dhacay dhibaatooyin amaan daro oo ay dad ku dhinteen xoolana lagu kala dhacay