Dowlada ayaa ugu danbayntii bixisay lacagta loogu tala galay barnaamijka waxbarshada bilaashka ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare si ay uga hortagto shaqa joojin ay maclimiinta ku hanjabeen
Bayaan uu soo saartay Wasiirka waxbarashada Mutula Kilonzo ayaa waxaa lagu sheegay in lacag gaaraysa Sh1.84 bilyan lagu maal galin doono dugsiyada hoose dhexe ee bilaashka ah.
Sida ku cad bayaanka ka soo baxay xafiiska wasiirka waxbarashada lacag gaaraysa Sh5.15bilyan oo ka mid ah lacagtaas oo ay waaxda keyd haynta bixisay ayaa lagu maal galin doonaa dugsiyada sare ee maalinlaha ah “Day School”.
Dowlada ayaa sheegtay in ay bixisay dhamaan lacagtii loogu tala galay waxbarshada bilaashka ah ee dugsiyada hoose dhexe halka Sh4.8 bilyan ay u harsantahay dugsiyada sare.
Talaabada dowlada ee ah bixinta lacagaha loogu tala barnaamijka waxbarshada bilaashka ah ayaa u muuqata mid ay uga hortagayso shaqa joojin ay ku hanjaben maclimiinta dalka.