21.June.2012;- Dowlada dalka Kenya ayaan meesha ka saarin weerar argagixiso in uu noqon karo waxii sababay burburkii diyaaradii ay ku geeriyoodeen wasiirkii amniga qaranka iyo ku xigeenkiisi.
Raisul wasaare Riala Odinga oo waraysi siinaayay talafishinka CNN ayaa waxa uu sheegay in baaritaanada ay wali socdaan islamarkana la doonayo in la ogaado sababta dhalisay burburka diyaaarda .
Mr Raila Odinga ayaa carabka ku adkeeyay in hay’adaha amaanka ay heegan sare ku jiraan islamarkana ay si xoogan ula dagaalamayaan argagagixisada .
Raisul wasaare Odinga ayaa ka codasaday hay’adaha amaanka ee caalamiga ah in Kenya ay ka kaalmeeyaan la dagaalanka argagixisada.
Hadalka Raisul wasaaraha ayaa imaanaya ayada oo la dhaariyay kooxdii ay dowlada u saartay in ay baaraan sababta dhalisay burburka diyaarada islamarkana ay shaqadooda bilaabeen .