11.June.2012;- Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku geeriyootay kadib isku dhacyo ku dhex marayay ciidamada dowlada iyo dagaal yahano qabaa ilka ah magaqlada Kufra ee koonfurta dalka Liibiya sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilowday halkaasi maalintii Sabtida ee aanu soo dhaafnay iyadoo la sheegayo inuu wali dagaalku socdo.
Dowlada Liibiya ayaa iyadu la xarbinaysa sugida iyo ku soo celinta amaanka dalkaasi tan iyo markii xukunka laga tuuray hogaamiyihii hore ee dalkasi Mucamar Al Qadaafi sanadkii hore.
Saraakiisha dowlada cusub ee dalka Liibiya ayaa iyagu shegay inay qorshaynayeen doorasho dalkaaasi laga qabto dhamaadka bishani hase yeeshee dib loo dhigay tan iyo 7 bisha Julay ee soo socota.
Goor sii horaysay ayaa saraakiil ka socotay Maxkamada caalamiga ee ICC da waxay tageen dalka Liibiya si ay isugu dayaan in ay kala hadlaan dalkaasi afar shaqsi oo ay dowlada Liibiya ku xirtay dalkaasi xili ay isku dayayeen inay booqdaan wiilkii uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Saif Al Islaam kaasi oo ku xiran dalka Liibiya.