28.June.2012:- Dacwad soo oogaha Dalka Kenya Mr Mr Keriako Tobiko ayaa ku amray gudiga qaran ee isku duubnaanta iyo midaynta in ay baaritaan ku sameeyaan hadalo nacayb ku dhisan oo ay suura gal tahay in ay jeediyeen wasiirka tamarta Kiraitu Murungi iyo xildhibaanka waqooyiga Eldoret William Ruto.
Mr Tobiko ayaa warqad u qoray gudiga qaran ee isku duubnaanta iyo midaynta taasi oo ka kooban cadaymo ay u soo gudbiyeen ururka sharci yaqaanada dalka ee LSK .
Kariako Tobiko ayaa ka dalbaday gudiga in ay lafa gurid iyo dhagaysi ku sameeyaan hadaladii laga duubay Mr Ruto iyo Murungi.
Ururka ay ku bahoobeen sharci yaqaanada dalka ayaa waxa ay sheegeen in mr Ruto iyo wasiirka Tamarta mr Kiraitu Murungi ay jeediyeen Hadalo nacayb ku dhisan xiligii lagu guda jiray kulamada Kamatusa iyo Gema horaantii bishii April.
Dhanka kale gudiga qaran ee isku duubnaanta iyo midaynta ayaa baaritaan ku haya sedex heesood oo lagu qaadayo afka Kikunyada kuwaasi oo la sheegay in ay ku jiraan erayo kicin ah.
Gudiga ayaa waxa ay sheegeen in heesahaasi iminka ay gacanta ku hayaan dad loogu tala galay in ay turjumaan .
Fanaaniinta qaaday heesahani ayaa hadii lagu helo in heesahani ay ka kooban yihiin erayo kicin ah waxaa la dul dhigi doonaan ganaax lacageed amaba xarig.